Maamulka deegaanka Garasabaleey ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in Gacanta lagu dhigay dadkii ka dambeeyay dilka Haweeney lagu dilay deegaankaas.
Habeen ka hor ayaa Kooxo hubeysan waxa ay gurigeeda ugu galeen kuna dileen Allaha u Naxariistee Siteey Maxamed Aadan oo 65 Sano jir aheyd horayna uga tirsaneyd Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya balse laba Sno ka hor Shaqada laga ruqseeyay.
Guddoomiyaha degaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho C/raxmaan Axmed Cali ayaa sheegay in haatan raggaas Gacanta lagu hayo isla markaana Cadaalada la horkeeni doono.
Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Garas Baaleey.