Dhageyso:-Puntland oo War Cusub ka soo saartay dagaalka kala dhaxeeya Somaliland iyo Al-Shabaab

Guddiga difaaca Dowlad goboleedka Puntland ayaa shir jaraa’id oo ay Maanta ku qabteen Magalada Garoowe waxa ay kaga hadleen xiisadaha dagaal ee ka jira gobolka sool iyo dagaalkii u dambeeyey ee Gobolka Bari ku dhexmaray Al-Shabaab iyo Ciidamada Puntland.

Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland cabdullaahi Cali Xersi Cali(Timacade) ayaa sheegay in Maamulka soomaaliland uu gobolka Sool soo dhoobay Maleeshiyaad laga kala keenay Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco.

“Waxaan ku wargelineynaa Shacabka Reer Puntland in ay weli socoto dhibaateynta iyo cagajugleynta lagu haayo Shacabka reer laas-caanood,hadana laga soo wado Haregysa iyo Burco maleeshiyaad beleedyo loogu talo galay in ay xoog kusii jeedaan Gobolka sool,waana isbaheysi uga yimid maleeshiayadka Haregeysa iyo Al-Shabaab ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland.

Dhinaca kale Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac (Qur’aan Jecel)ayaa isna waxa uu sheegay in dhibaatada uu Maamulka Hargeysa ku haayo Shacabka Gobolka Sool ka digtoonaadaan,isla markaana loo diiday in ay gobolkaas tagaan Dhalinyaradii dhawaan dowladda Soomaaliya ka keentay Libya sida uu hadalka u dhigay.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland iyo Afhayeenka Madaxtooyada Puntland.

Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland cabdullaahi Cali Xersi Cali(Timacade)

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac (Qur’aan Jecel)

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media