Weli waxa xiisado dagaal ay ka taagan yihiin deegaanka tukaraq ee gobolka Sool halkaas oo ay isku hor-fadhiyaan Ciidamada Puntland iyo kuwa Soomaaliland,horayna dhowr mar u wada dagaalamay.
Deegaanka tukaraq ee gobolka sool ayaa Wasiiro ka tirsan Puntland waxa ay ku soo bandhigeen ciidamo aad u farabadan oo ay sheegeen in ay ka qeyb qaadan doonaan dagaal gobolka sool looga saarayo Ciidamada maamulka Soomaaliland.
Wasiirada qaarkood oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamadaan ay diyaar u yihiin in ay xireeyaan gobolka Sool iyo deegaanada kale,isla markaana aysan noqon doonin.
Waxa ay ku sheegen in Ciidamadaas ay yihiin ciidamada difaaca Puntland,isla markaana ay yihiin kuwii jbein lahaa cadawga sida ay hadalka u dhigeyn.
Hoos Ka Dhageyso Codadka Wasiirada kana Daawo Sawirrada.