Darawal Mooto Bajaaj oo lagu dilay Magalada Muqdisho

Dilka Darawalka mooto Bajaajka ayaa waxa uu ka dhacay Isgoyska Banaadir ee Magalada Muqdisho,waxaan la sheegay in uu dilka geystay askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Dilka ka hor ayaa dad goobjoogayaal ah waxa ay sheegeen in askariga iyo darawalka Mooto Bajaajka ay wada murmeen taas oo keentay in askarigii uu dhowr Xabadood ku dhufto Darawalka Mooto Bajaajka.

Hayeeshee iska goobta ayuu ku geeriyooday dawalka Mootada,waxaana baxsaday askarigii dilka geystay,sida uu Dalsan u sheegay mid ka mid ah dadka ku Ganacsada Isgoyska Banaadir.

Meydka Darawalka mooto Bajaajka ayaa waxaa goobta ka qaaday eheladiisa oo yimid kadib markii lagu wargeliyey,waxana mudo kadib caadi ku soo noqday isku-socodka dadka iyo gaadiidka oo mudo hakad ku jiray.

Dilalka loo geysto Darawalada Mooto Bajaajka ayaa ku soo badanaya Magalada muqdisho,waxana inta badan geysta askarta dowladda Soomaaliya oo ay wada murmaan,waxan taasi ay cabsi ku beertay darawalada Moto Bajaajta.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor