Dhageyso:-Puntland oo Shaacisay Waqtiga uu bilaabanayo imtixaanka Sanadkaan

Maamulka Puntland ayaa maanta Shaaciyay waqtiga uu dhankooda ka bilaaban doono Imtixaanka Shahaadiga oo ay qaaddeyso dowladda Federaalka Somaaliya iyo tirada Arday ee imtixaankaas ka qeybgaleysa.

Agaasimaha Xafiiska Imtixaanaadka Puntland Axmed Saahid ayaa War-Baahinta u sheegay in imtixanka deegaanada Maamulka puntland uu ka bilaabn doono 20 Bishan May oo ku beegan Maalinta Sabtida ah ee soo socota.

Sidoo kale waxa uu ahdalkiisa intaas raaciyay in uu imtixaankaan ka dhici doono ilaa 84 Xarumood oo ku yaalla deegaanada Puntland waxaana ay gaarayan imtixaanka Ardayda Sanadkaan ka qeyb qaadaneysa ay yihiin 12687 Arday.

Hoos Ka Dhageyso Codka Agaasimaha

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media