Maamul-gobaleedka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in ay dib u habeyn ku sameynayaan qeybaha kala duwan ee ciidamadeeda sidoo kalana ay tayaynayso ciidanka Daraawiishta.
Arrintaan waxa ay ka dambeysay kadib markii hey’ado ka shaqeya arrimaha cidamada ay ka dalbadeen in ay dib u habeyn ku sameeyaan cidankooda isla markaana la qalabeeyo.
Afhayeenka madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani oo la hadlay weriyaasha ayaa sheegay in ahmiyadda koowaad ee madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Dani ay tahay dib habeynta ciidamada.
Halkaan Ka Dhageyso Codka