Agaasimaha Cusub ee la dagaalanka Cudurka  AIDS,ka u qaabilsan Maamulka Puntland Cabdiqaadir Maxamed Axmed oo xilkaasi sirasmi ah kula wareegay ayaa sheegay in uu bilaabi doono dardargelinta howlaha ku saabsan sidii looga hortegi lahaa Cudurka  AIDS,ka kaas oo Bulsahda laga wacyigelinaayo.
Cabdiqaadir Maxamed Axmed ayaa sidoo kale hadalkiisa intaas raaciyay in Puntland ay wado qorshooyin cad oo ku saabsan kahortaga Cudurkaas islamarkaana Maamulkooda Cusub ay haatan bilaabi doonaan Uruurinta dhaqaalo lagula dagaalamayo Cudurka  AIDS,ka.
Agaasimaha Cusub ee Hay’ada ladagaalanka AIDS,ka Puntland ayaa waxaa 7 bishaan may magacaabay Madaxweynaha Maamulka  Puntland  C/wali Maxamed Cali Gaas waxaana la rajeynayaa in uu isbedel ku sameeyo Xubnaha kala duwan ee ka shaqeeya Xarumaha Hay’addaas.
Hoos Ka Dhageyso Codka Agaasimaha