Nabadoon Ibraahim Cabdi Jeelle oo ka mid ah waxgaradka degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan oo la hadlay Maanta Radio Dalsan ayaa sheegay in uu ka soo horjeedo talaabada loogu Magacaabay Gudoomiye Waax ka mid ah degmada Buulo-burde.
Waxa uu sheegay in Idaacadaha uu ka maqlay Magacaabistaas isla markaana Maamulka degmada uusan kala tashan.
“Runtii waxaas waxka jira maahan anaga idaacadaha ayaan ka maqalnay in naloo magacaabay Gudoomiye waaxed waana wax lag xumaado in aniga oo ah Nabadoonkii dhan ee talada goyn lahaa in gudoomiyaha degmada Buulo-Burde uu gudoomiye waaxeed u magacaabo waana ka soo horjeedaa mana qaadan doono ayuu yiri Nabadoon Ibraahim Cabdi Jeelle.
Sidoo kale waxa uu sheegay in gudoomiyaha degmada Buulo-Burde uu magacabay gudoomiye waaxeedyo isaga oo aan wadatashi kala sameyn.
Dhinaca kale waxaan xiriir la sameynay Guudomiyaha degmada Buulo-Burde si an wax uga weeydiino eedeynta loo jeedinayo balse kama jawaabin taleefoonadeena.
Hoos K Dhageyso Codka Nabadoon Ibraahim Cabdi Jeelle