Caawa fiidkii ayaa rag hubeysan waxa ay Xaafada Tabeelaha Sheekh Ibraahim uu duleedka Muqdisho ku dileyn Nin ka mid ah dadka ku nool Xaafadaas.
Rag ku hubeysnaa Bustoolado ayaa dilka fuliyey sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah,iyaga kadib ku baxsaday gaari uu lahaa ruuxa la dilay oo magaciisa lagu soo gaabiyey Shooble kana ka mid ahaa ilaalada Jaamacadda Shabeelle.
Qof ka mid ah dadka deegaanka goobtana ku sugnaa xiliga uu dilka dhacayay ayaa sheegay in goobta ay soo gaareen Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya kuwaas oo weli howlgallo baaritaano ah ka wada.
Macada sababta loo dilay ninkaas iyo cidda ka ambeysa dilkiisa intaba.
Waxaa hakad galay isu-socodka dadka iyo gaadiidka ee xaafada tabeelaha Sheekh Ibraahim oo uu dilka ka dhacay,iyaga oo dadku durbaba ay xaroodeen.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga qofka Goobjoogaha ahaa.