Wararka naga soo gaaraya deegaanada xeebaha Bari ee maamulka Puntland ayaa ku waramaya in Xalay kooxdii afduubatay Markabka Aris 13, ay sii daayeen, kuwaasi oo labadii maalin ee la soo dhaafay ku heestay Degmada Caluula ee gobolka Bari.
Wararka qaar ayaa sheegaya in wada hadal Siddex geesood dhexmaray kooxda, Odayaasha dhaqanka iyo Puntland lagu sii daayey Markabkaas oo ku gooshay Calanka dalka Sri Lanka, hasaรขโฌโขahatee warkaasi waxaa ka horyimid agaasimaha ciidamada ilaalada xeebaha Puntland Cabdiraxmaan Xaaji Xassan oo sheegay inay ku dhaawaadeen ciidamada Badda Puntland, sidaasina Kooxda ay ku sii deysay Markabkaasi shidaal oo Isniintii aano soo dhaafnay laga afduubay xeebaha maamulka Puntland.
Agaasimaha ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan Markabka, iyo shaqaalihii saarnaa oo bad-qaba , oo uu xusay รย in la keeni doono magaalada Boosaaso ee gobolka, si ay ugu nastaan halkaasi.
Cabdiraxmaan Xaaji Xassan agaasimaha ciidamada ilaalada xeebaha Puntland waxaa uu tilmaamay in wax madax fursha aan la siin Afduubayaasha markabkaasi, oo ay soo bad-baadiyeen ciidamda Badda Puntland.
Halkaan hoose ka dhageyso Codka.