Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Galabta waxa uu dib ugu laabtay Magaalada Jowhar,iyada oo halkaasi siweyn loogu soo dhaweeyay.
Madaxweyne Waare ayaa soo dhaweyn kadib waxa uu ka hadlay xaalada Biyo la’aaneed ee ka jirta deeegaannada Hir-Shabeelle maadaama uu guray Wabiga Shabeelle.
“Runtii waxan ku jirnaa waqti adag waqtigaas oo abaaraha nahayo ay ugu dhib badan yihin,ummada Soomaliyeed waxan xasuusinayaa in biyo la’aanta meesha ugu daran ee ka jirta ay tahay Gobolka Shabeellaha Dhexe iskadaa gobolkan wax soo saarkiye xataa biyihii la cabi lahaa aya qalqiil ku jira ayuu yiri Madaxweyne Waare.
Sidoo kale waxa uu sheegay in waqtigaan hadal uusan waxba tareen balse loo baahan yahay in gurmad deg deg ah lala soogaro,waxa uuna dowladda Soomaaliya ka dalbaday in ay gurmadkaas qeyb weyn ka qaadato.
Madaxweyne Waare ayaa todobadyadii la soo dhafay waxa uu ku sugnaa dalka Jabuuti,isaga oo la kulmay Madaxda dalkaas oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Cismaaciil Cumar Geelle.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Waare.