Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka hadlay isbadalada lagu sameeyay  maamulka Gobolka Hiiraan.
Madaxweyne Waare ayaa dhaliil culus u jeediyay shacabka ku nool Magaalada Baladweyne,isla markaana isagoo ku dhaliilay inaysan la shaqeyn maamulka Gobolka Hiiraan.
Sidoo kale waxa uu sheegay Madaxweynaha in isbadalada lagu sameeyo maamulka Gobolka uusan wax macno ah lahey, looga baahan yahay shacabka reer Baladweyne in ay la shaqeeyaan Guddoomiyaha Gobolka.
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa tilmaamay in xildhibaanada ka tirsan Hirshabeelle ee kasoo jeeda Baladweyne ay la xisaabtamayan maamulka,wuxuuna sheegay in ayagana sidoo kale ay la xisaabtamayaan dadkii ay magacaabaan.
Shacabka ku dhaqan Magaalada Baladweyne ayaa ku eedeeyay Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowladaha Hoose ee Hirshabeelle inay ka dambeyso isbadalada lagu sameeyo maamulka Gobolka Hiiraan.
Waa markii ugu horeysay ee Madaxweynaha Hirshabeelle uu ka hadlo isbadalada lagu sameeyo Mas’uuliyiinta ugu sareysa maamulka Gobolka Hiiraan
Hoos ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Hirshabeelle.