Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa marka hore sheegay in AMSISOM ay u tababareen Ciidamo farabadan,si ay uga qeyb qaataan sugida Amniga deegaanada Maamulkaas.
Waxa uu sheegay AMISOM aysan weli ku guuleysan in ay furaan Wadooyinka ay g’doomiyeen Al-Shabaab balse dhinaca kale ay ka hortageen weeraradii degmooyinka qaar ay kusoo qaadi jireyn Al-Shabaab.
“Aad iyo ayay u mahadsan yihiin Ciidamada AMISOM dadaal badan ayay noo sameeyeen gaar ahaan kuwa Itoobiya oo ciidamo farabadan noo tababaray,balse weey ku fashilmeen oo kuma guuleysan in ay furaan wadooyinka deegaanada koonfur Galbeed oo ay Al-Shabaab go’doomiyeen laakin waxan rajeynayaa in lagu guuleysan doono ayuu yiri Madaxweyne Shariif Xasan.
Degmooyin ka tirsan kuwa Maamulka koonfur Galbeed ayaa waxaa ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM kuwaas oo mararka qaar weeraro xooggan kala kulma Al-Shabaab,weeraradaas oo khasaarooyin badan lagu gaarsiiyo.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Shariif Xasan.