Dhageyso:-Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Madaxda dowladda ku eedeeyay in aysan daacad ka aheyn dagaalka Al-Shabaab

 

Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Camey Madaxwayne ku xigeenka Puntland oo ka qeyb galayay shirkii looga hadlayay amniga ee Maanta ka dhacay Magalada Garoowe ayaa sheegay hadalkaan isaga oo eedeyn u jeediyey madaxda dalka.

Mudane Cameey  ayaa sheegay inay Muhiim tahay in Laga wada hadlo waxii dan u ah Shacabka , oo dhanka Amaanka si wada jir ah Looga wada shaqeeyo, waxaana uu tilmaamay in la dabagalo shirarkii kan ka horeeyay waxa ka hirgalay.

Waxa uu sheegay Madaxweyne kuxigeenka Puntland in Madaxda Soomaaliyeed ay ka gaabisay in Soomaaliya lagu soo dabaalo Amni maadaama umada Soomaaliyeed waxa ugu horeeya ee baahida ay uqabto ay tahay in Amni lahelo,isla markaana ay dhibaato ku hayaan Al-Shabaab.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxwayne ku xigeenka Puntland.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media