Dawladda oo baareysa Shirkada SKA ee sahayda siin jirtay Ciidamadii Imaaraatka..

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa baaritaan ku sameyneysa shirkada SKA oo la sheegay in heshiisyo qarsoodi ah la galeyn Shaqsiyaad ka tirsan Dowladda Federaalka.

Baraha Bulshada iyo Warsite-yada qaar ayaa lagu qorayay in Wasiiro iyo taliyayaal ciidan ay shirkada SKA oo sahayda siin jirtay Imaaraadka Carabta xiligaana khilaafka uu kala dhaxeeyo dowladda Soomaaliya.

War-Saxaafadeed Caawa ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hehsiiskaas hadii uu jiro uu yahay mid aan waagaqsaneyn hab raaca ay dejisay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Sidoo kale War-Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay baaris ku sameyneyso hab raaca loo maray heshiiskaas la sheegay in lala galay Shirkada SKA,isla markaana hadii uu noqon waayo mid sidii loogu talo galay u dhacay uu heshiiskaas noqon doono mid aan waxba ka jirin.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedkla oo uu ku saxiixan yahay Siihaya xilka Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaradda C/raxmaan Iidaan Yoonis.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media