Dhageyso:-Madaxweyne Farmaajo oo u duulay dalka Biljamka iyo u jeedka oo la shaaciyey

Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho ka dhoofay wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaagi Farmaajo,si uu uga qyeb galo shirka Iskaasiga Caalamka.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka kasii sagootiyey,Wasiiro,Xildhibaano iyo Madax kale,waxa uuna dalka Belgium-ka uga qyeb geli doonaa Shirka Iskaasiga Caalamka oo ay ka qyeb geli doonaan Madax farabadan oo Caalamka ah.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo ka Warbixinayey safarka Madaxweynaha ayaa sheegay in shirkaasi uu daba socdo shirarkii Bishii December lagu qabtay Muqdisho iyo shirkii Bishoo May ee London lagu qabtay,isla markaana looga hadli doono arrimaha soomaaliya,sida dhaqaalaha amniga Qaranka iyo horumarka Soomaaliya.

Wararka qaar ee soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxda Maamul goboleedyada qaar la filayo in shirkaasi ay ka qeyb galaan wallow qaarkood ay diidan yihiin.

Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor