Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddi baaritaano ku soo sameeya u saaray dagaalkii shalay ka dhacay duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan,kaasi oo lagu dilay Taliyihii Qeybta Booliska G/Hiiraan.
Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac oo Shir Jaraa’id warbaahinta Magaalada Muqdisho ugu qabtay ayaa waxaa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo dhacdadaas Maanta uu Guddi u magacaabay,isla markaana xusay Taliyaha in isaga uu Guddoomiye ka yahay Guddiga.
Sidoo kale Taliye Bashiir Jaamac ayaa waxaa uu sheegay in Guddiga ay qeyb ka tahay Xeer Ilaalinta guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda,kuwaasi oo baaritaano dhab ah ku soo sameeyn doona wixii ka dhacay deegaanka kalabeyr ee lagu dilay Taliyihii Qeybta Booliska G/Hiiraan Maxamed Macow Xalane laguna dhaawacay Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Booliska Hirshabeelle.
Isaga sii hadlaayay ayuu Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed tilmaamay in barista,kadib Kiiskaas loo gudbin doono Maxkamada,isla markaana Madaxweyne Farmaajo uu kula dardaarmay in si caalad baaritaano loogu sameeyo arrintaas.
Deegaanka kalabeyr ee ku yaalla Duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa shalay dagaal uu ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Hirshabeelle iyo kuwo taabacsan Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan ee xilka qaadista lagu sameeyay Yuusuf Axmed Hagar Yuusuf Dabageed,waxaana ka dhashay Khasaaro isugu joira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Taliyeyaal ka tirsan Booliska Maamulka Hirhabeelle.
Hoos ka Dhageyso Codka Taliye Bashiir Maxamed Jaamac