Dhageyso:-Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo ka qeyb galaya Aaska Xildhibaanadii weerarka lagu dilay

Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in Magalada jowhar ee Xarunta maamulka hir-Shabeelle lagu Aaso Allaha u Naxariistee laba Xildhibaan iyo guddoomiye ku xigeenkii degmada Raaga Ceelle.

Masuuliyintaas ayaa ku geeriyooday weerar lagu qaaday kolonyo ay la socdeen shalay gelinkii dambe xilli ay marayeen Buundada Ilbiq oo u dhow deegaanka Ceelka Geelow oo ah Wadada u dhaxeysa Balcad iyo tuulada Qalimow.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed oo la hadlay Dalsan ayaa sheegay in Meydka marxuumiintaas isla shalay la geeyey jowhar,isla markaana Maanta oo Arbaco ah la’aasi doono.

Aaska ayaa waxaa la filayaa in ay ka qeyb galaan Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Magalada Baydhabo laakin la filayo in uu goordhow ka soo ambabaxo iyo guddoomiyaha baarlamaanka Maamulkaas oo isna howlo Shaqo u jooga Muqdisho.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle ayaa sheegay in iminka uu socdo diyaar garoowgii u dambeeyey ee Aaska Allaha u naxariistee Xildhibaanada kala ahaa Ismaaciil Muumin Hilowle iyo Sheekh Cabdi Mukhtaar iyo Guddoomiye kuxigeenkii Raage Ceelle Muuse Afweyne.

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media