Dhageyso: Maamulka K/Galbeed Oo Qaadacay Qodabada Shirkii Wasaaradaha Ganacsiga Ee Shalay ka dhacay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda ganacsiga maamulka koonfur galbeed Soomaaliya C/lahi Sheikh Xasan oo shir jaraa’id ku qabtay Baydhabo ayaa waxaa uu ka hadlay shir shalay magaaladda muqdisho uga furmay wasaaradaha ganacsiga xukuumadda iyo maamul goboleed yadda iyo rugta ganacsiga.

C/lahi Sheikh Xasan ayaa daaha ka qaaday in wasaaradda ganacsiga maamulka koonfur galbeed aan lagu marti qaadin shirkaasi, waxaana uu xusay in aysan koonfur galbeed dhaqan galin doonin qodobadda kasoo baxa shirkaasi.

Halkan ka dhageyso codka wasiir C/lahi Sheikh Xasan:

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor