Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Maamul-gobaleedka Jubbaland Dr. Aadan Ibraahim Aw-Xersi ayaa sheegay in Maamulka Jubbalan uu diyaar u yahay in ay qabtaan doorasho si u dhaco isbedel Siyaasadeed.
Waxa uu sheegay inay jiraan dad Reer Jubbaland ah oo doonaya in la doorto,isla markaana xaq u leh,Hayeeshee Jubbaland ay mar walba doorashada ku qabaneyso sida uu qabo Dastuurka Jubbaland.
Waxa uu ugu baaqay Siyaasiyinta ka soo jeeda deegaanada Jubbaland ee doonaya inay bedelaan Maamulka hadda jira inay ilaaliyaan amniga iyo xasiloonida,isla markaana u furan yihiin inay yimaadaan deegaanada Jubbaland,balse uu uga digay amnidaro iyo inay qalqal abuuraan.
Si kastaba hadalka Wasiirka Qorsheynta Jubbaland ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan la filayo inay doorasho ka dhacdo Magaalda Baydhabo ee,hayeeshee Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka soo jeeda deegaanada Maamulkaas ay dowladda ku eedeynayeen inay faragelin ku heyso,iyada oo soo mareysa Siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed.