Rasaas goos goos ah oo laga maqlay deegaanka Tukaraq

Waxaa weli xiisad dagaal ay ka taagan tahay deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool halkaas oo ay ciidamadooda iskuhor-fadhiyaan Maamulada Puntland iyo Soomaaliland.

Maalma kahor deegaanka Tuakaraq ayaa labada dhinac waxaa ku dhexmaray dagaal socday mudo 6 Saacadood ka badan kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah.

Wararka aan saakay ka heleyno Tukaraq ayaa waxa ay sheegayaan in mararka qaar la maqlayo rasaas goos goos ah oo ay isku ridayaan labada Ciidan oo ah kuwo isku muuqda oo aan kala fogeyn.

Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in ay cabsi dareemayaan maadaama Ciidamadu ay ishor-fadhiyaan,isla markaana ay dhici karto in ay markale wada dagaalamaan labada Ciidan.

Wararka kale ay Dalsan heleyso ayaa waxa ay sheegayaan in labada dhinac ay sidoo kale wadaan diyaar garoow iyo dhaq dhaqaaq Ciidan mana jirto cid weli kala dhexgashay Ciidamadaas kala taabacsan Puntland iyo Soomaaliland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media