Amarkaan uu soo saaray Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxa uu ku socdaa Xarumaha Nootaayooyinka ee ku yaalla Magalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Duqa Muqdisho ayaa waxaa lagu amray dhamaan Nootaayooyinka ee ku yaalla Muqdisho inay soo diiwaangeliyaan Aatooyinka dhulalka iyo Guryaha ay kala wareejiyaan si loo xaqiijiyo bixinta Canshuurta dhulalka iyo Guryaha.
Amarkaan ayaa waxaa la ogeeysiiyay Agaasimaha Waaxda adeegyada Dowladda Hoose,Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir,la-taliyaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee arrimaha Sharciga,Xoghayaha Gobolka Banaadir iyo ku xigeenada Gobolka Banaadir.
Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar ayaa warbaahinta u akhriyay wareegtada.