• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Sunday, May 18, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

(FALANQEYN) Suuragal miyaa in Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ay hal madaxweyne yeeshaan?

Dalsan Editor by Dalsan Editor
November 12, 2018
in Warar, Wararka Idaacadda, Xulasho, XULKA WARARKA
Reading Time: 4 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Hoggaamiyeyaasha dalalka Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ayaa dhawaan kulan ku yeeshay magaalada Bahr Dar ee dalka Itoobiya halkaas oo ay kaga wada hadleen heeshisyadii taariikhiga ahaa ay ku kala saxiixdeen Asmara.

Waxyaabihii inta badan kulanka kaddib la hadlayay waxaa kamid ah arrinta ku saleysan suuragalnimada ah inay midoobaan dalalkan mustaqbalka.

Waxaa sidoo kale soo baxay sawirrada madaxweyneyaasha Soomaaliya , Eritrea, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Isaias Afwerki iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo aad isugu dhaw oo wadahadlaya.

Haddaba su’aasha laisweydin kara, ayaa ah, shacabkan dalalkan ma yihiin kuwo sidaasi isugu dhawaan karaan marka ay timaato midnimada iyo shaqaynta nabadda?

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ka hadlayay munaasabad ay ku qalin jebinayeen ardeyda jaamacadda ku taalla magaalada Bahr Dar ayaa sheegay inuu rajenayo mustaqbalka in dalalka Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya ay yeeshaan hal madaxweyne.

“Waxaan rajeynaya saddexdan madaxyweyne ee halkan taagaan carruurtoodu inay arki doonaan saddexdan waddan ee aan ka kala nimid oo hal madaxweyne leh oo aanan saddex mdxaweyne lahayn ” ayuu yiri Abiy Axmed oo ay goobta kula sugnaayeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.

Suuragalnimada mideynta saddexdan dal

Feysal Rooble oo ah aqoonyahan soomaaliyeed oo ka faalooda arrimaha geeska Afrika oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa BBC-da u sheegay in arrinta midnimada Itoobiya iyo Soomaaliya in badan lagu haminayeen isla markaasna aysan ahayn markii ugu horreysay ee arrimahaasi lasoo hadal qaado.

“Wakhtigii Mengistu Hailemariam iyo Siyaad Barre waa tii Yemen laisugu geeyay, Fidel Castro arrintaasi ka duqeeyay sidii Soomaaliya iyo Itoobiya dal looga wada dhigi lahaa…Laakin wax hadda waaqici ah ma hayno” ayuu yiri Feysal Rooble.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Eritrea ma aysan carabaabin arrinta ku aadan mideynta dalalkan balse waxay ka hadleen sidii looga shaqayn lahaa horumarka iyo xiriirka diblumaasiyeed ee saddexda dal.

In dalalka Soomaaliya , Eritrea iyo Itoobiya ay yeeshaan hal madaxweyne waa arrin aanan suuragali Karin, iyadoo Eritrea uu ka taliyo madaxweyne muddo badan dalkaasi ka arriminayay, Itoobiya waxaa ka taagan khilaafaad u dhexeeya bulshooyinka halkaasi wada dego halka Soomaaliya aysan nabad ka jirin, ayuu ka dhawaajiyay Feysal Rooble.

Maxaa kusoo beegay xilligan hadalka ra’iisul wasaaraha Itoobiya?

Ma aheyn markii ugu horreysay uu hadalkan ka dhawaajiyo Abiy Axmed, markii uu soo booqday dalka Soomaaliya wuxuu ra’iisul wasaare Abiy Axmed sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay midoobi doonaan, ayuu hadalkiisa sii raaciyay aqoonyahan Feysal Rooble.

“Madaxweyne Farmaajo kama uusan hadlin labadan dal oo la mideynayo…waxaan kala gareynin in laab la kac Abiy Axmed xaggiisa ka tahay iyo in kale, waxaana hadda soo caddaaneysaa inuu yar caadif yahay isagoo wanaaga jecel sida ay u muuqato inuu ka hadlo waxyaabo aanan weli lasoo bislayn” ayuu yiri Feysal.

Sida uu qabo, Feysal mideynta ma ahaan mid hadda jirto oo la hubo balse waa arrin lagu rajo weyn yahay.

Hoggaamiyeyaasha Itoobiya, Soomaaliya iyo Eritrea ayaa dhawaan kulan saddex geesood ah kusoo gabagabeeyay magaalada Bahr Dar ee dalka Itoobiya waxayna ka wada hadleen sidii ay u dhaqan gelin lahaayeen heshiiskii bilooyin ka hor ay ku kala saxiixdeen Eritrea.

BBC SOMALI

Previous Post

Dhageyso:-Maamulka G/Banaadir oo Amar Cusub soo saaray

Next Post

Dhageyso:- Barnamijka Wareegga Wararka 24-Ka Saac Ee Radio Dalsan 12-11-2018

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Dhalinyaro Ku Biiri Lahaa Ciidamada DF oo Lagu Qarxiyay Xerada Damaanyo
Warar

Dhalinyaro Ku Biiri Lahaa Ciidamada DF oo Lagu Qarxiyay Xerada Damaanyo

May 18, 2025
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Maalinta Aqbalaadda Caalamiga ah si loo Dhiirrigeliyo Ka-qaybgalka Dhijitaalka ee loo dhan yahay
Warar

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Maalinta Aqbalaadda Caalamiga ah si loo Dhiirrigeliyo Ka-qaybgalka Dhijitaalka ee loo dhan yahay

May 17, 2025
Xasan Sheekh oo Khudbad Ka Jeediyay Shirka Jaamacadda Carabta ee Baqdaad
Warar

Xasan Sheekh oo Khudbad Ka Jeediyay Shirka Jaamacadda Carabta ee Baqdaad

May 17, 2025
Xal u Helidda Qaza oo Qodob Muhiim ah ka ah Shirka Jaamacadda Carabta oo ay somaliya ka qeyb galeyso
Caalamka

Xal u Helidda Qaza oo Qodob Muhiim ah ka ah Shirka Jaamacadda Carabta oo ay somaliya ka qeyb galeyso

May 17, 2025
Ciidamada Xoogga iyo Daraawiishta K/Galbeed oo Howlgal Ka Fuliyay Baraawe Duleedkeeda
Warar

Ciidamada Xoogga iyo Daraawiishta K/Galbeed oo Howlgal Ka Fuliyay Baraawe Duleedkeeda

May 17, 2025
Dhimasho iyo Dhaawac Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Meel u Dhow Garoonka Baraawe
Warar

Dhimasho iyo Dhaawac Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Meel u Dhow Garoonka Baraawe

May 17, 2025
Next Post

Dhageyso:- Barnamijka Wareegga Wararka 24-Ka Saac Ee Radio Dalsan 12-11-2018

Suicide Bombing Targets Army Recruitment Center in Mogadishu: Multiple Casualties Reported

Suicide Bombing Targets Army Recruitment Center in Mogadishu: Multiple Casualties Reported

by Liban
May 18, 2025
0

MOGADISHU – A suicide bomber struck a military recruitment center in Damaanyo, Mogadishu, on Saturday morning, targeting scores of young...

Dhalinyaro Ku Biiri Lahaa Ciidamada DF oo Lagu Qarxiyay Xerada Damaanyo

Dhalinyaro Ku Biiri Lahaa Ciidamada DF oo Lagu Qarxiyay Xerada Damaanyo

by Ilhaan
May 18, 2025
0

Qof isa soo miidaamiyay ayaa maanta isku qarxiyay xerada Damaanyo ee magaalada Muqdisho, xilli halkaasi ay ka socotay diiwaangelinta dhalinyaro...

Hamas Confirms New Round of Talks with Israel Has Begun

Hamas Confirms New Round of Talks with Israel Has Begun

by Liban
May 18, 2025
0

Doha, Qatar – Hamas has confirmed that a new round of negotiations with Israel aimed at ending the war in...

Somalia and Iraq Forge Closer Defence Ties in High-Level Meeting in Baghdad

Somalia and Iraq Forge Closer Defence Ties in High-Level Meeting in Baghdad

by Liban
May 18, 2025
0

BAGHDAD, Iraq – In a significant step toward enhancing regional defence collaboration, the Minister of Defence of the Federal Government...

Suicide Bombing Targets Army Recruitment Center in Mogadishu: Multiple Casualties Reported
English News

Suicide Bombing Targets Army Recruitment Center in Mogadishu: Multiple Casualties Reported

May 18, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Dhalinyaro Ku Biiri Lahaa Ciidamada DF oo Lagu Qarxiyay Xerada Damaanyo
Warar

Dhalinyaro Ku Biiri Lahaa Ciidamada DF oo Lagu Qarxiyay Xerada Damaanyo

May 18, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Hamas Confirms New Round of Talks with Israel Has Begun
English News

Hamas Confirms New Round of Talks with Israel Has Begun

May 18, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia and Iraq Forge Closer Defence Ties in High-Level Meeting in Baghdad
English News

Somalia and Iraq Forge Closer Defence Ties in High-Level Meeting in Baghdad

May 18, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Trump Says He Will Call Putin – What Will They Discuss?
English News

Trump Says He Will Call Putin – What Will They Discuss?

May 18, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
NCA Hosts Universal Acceptance Day to Promote Digital Inclusion
English News

NCA Hosts Universal Acceptance Day to Promote Digital Inclusion

May 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Suicide Bombing Targets Army Recruitment Center in Mogadishu: Multiple Casualties Reported
  • Dhalinyaro Ku Biiri Lahaa Ciidamada DF oo Lagu Qarxiyay Xerada Damaanyo
  • Hamas Confirms New Round of Talks with Israel Has Begun
  • Somalia and Iraq Forge Closer Defence Ties in High-Level Meeting in Baghdad

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00