Maamulka degmada Xamarwyen ee Gobolka Banaadir ayaa faah faahin guud ka bixiyay howlo Nadaafadeed oo ka socda degamdas kadib markii Gudoomiyaha Gobolka Banaadir uu ku baaqay in siwadajir ah looga wada qeyb qaato Nadaafada gobolkan Banaadir.
Gudoomiye ku xigenka dhanka arimaha bulshada Maamulka degmada Xamarweyne Maxamuud Cali Xasan(Maxamuud Dheere) oo Wareysi siiyay Radio Dalsan Muqdisho ayaa shegay in maalmahanba ay waden howlaha Nadaafadeed islamarkaana ay qaadayeen qashinka degmada qeybo kamid ah yaalla oo uu roobkii Da’ay keenay.
Wuxuuu isagoo sii hadlayay sheegay in Roobkii Da’ay uu jray Wadooyinka qaar oo muhiim ahaa inta badana ay ku dadaalayan sidii dib u dyactir loogu sameen lahaa.
Ugu dambeen waxa uu ugu baaqay in Shacabka degmada Xamarweyne ay kala qeyb qaataan sidii dib loogu soo celin lahaa Bilicdii degmada Xamarweyne.
Hoos Ka Dhageyso Codka