Dhageyso:-Maamulka Baraawe”Odayaal xiriir la leh Shabaab ayaa joojiyay dhismaha Garoonka Diyaaradaha”

Maamulka degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha hoose  ayaa ku eedeeyay Odayaal ku sugan degmadaas inay wadaan falal lidi ku ah amniga degmada,isla markaana doonaya inay dhaqaalo helaan.

Guddoomiyaha degmada Baraawe Cabdifitaax Maxamed Nuur Sandheere oo Warbaahinta Dalsan Wareysi siiyay ayaa sheegay in Odayaashaa ay yihiin kuwo diidan horumarka degmada,sidoo kalena xiriir la leh Al-Shabaab oo doonaya inay gacanta degmada u geliyaan sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in howlihii dhismaha ahaa ee ka socday Garoonka Diyaaradaha Magalada Baraawe la joojiyay,kadib markii sida uu sheegay ay arkeen Odayaasha oo wada ol ole ka hor imaanaya dhisamaha Garoonka.

Marka laga soo tago hadalka kasoo yeeray gudoomiyaha degmada Baraawe ayaa hadana waxana jirin warar madax banaan oo xaqiijinaya,iyada oo aan isku-daynay inaan la xiriirno qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka degmadaasi Baraawe,hayeeshee aysan noo suurtagelin.

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha degmada Baraawe.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor