Galgaduud(Radio Dalsan):- Xili magalada Dhuuso mareeb ee gobolka Galgaduud lagu xiray 5-sarkaal oo lasheegay in ay u’shaqeenayeen hayada miino baarista kuwaas oo lagu eedeeyay in ay miinooyin galiyeen qeebo ka mid ah dagmada iyo in ay xiriir laleeyihiin al-shabaab ayaa waxaa arinkaasi kahadlay maamulka dagmada Dhuusomareeb
Gudoomiyaha dagmada Dhauusomareeb Cabdilaahi Maxamed oo lahadlayay idaacada Dalsan ayaa waxa uu beeniyay wararka ku aadan in ay xireen xubno u’shaqeenayay hayada miino baarista waxa uuna shegay in aysan jiran wax hayadaa oo qaabilsan miino baaris oo ka howlgalada Dhuusomareeb iyo in aysan jiran dad lagu xiray gudaha dagmada
Halkan Hoose Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha