Maanta ayaa lagu balansanaa in gudiga joogtada ee Xildhibaanada Aqalka Sare in ay su’aalo weeydiiyan Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan xoosh Jibriil balse waxaa la sheegay in uu baaqday kulankaas.
Sonater Maxamed Cismaan Dhaqajuun oo ka mid ah Sanoterada Aqalka Sare ayaa waxa uu Warbaahinta u sheegay in kulanka uu dib u dhac ku yimid isagoo sheegay in gudiga labada Aqal ee Baarlamaanka iyo guddiga Madaxa banaan iyo gudoomiyaha Aqalka Sare ay wada kulmi doonaan ka dib iyaga oo Go’aamin doona xilliga Wasiirka loo yeerayo si su’alo loo weeydiiyo.
Dhanka kale Sanoterka ayaa waxa uu sheegay in gudiga joogtada ah ay ka hadleen ajandaha iyo howlmaalmeedka Aqalka Sare iyo xiliyada kulamada ay yeelan doonaan,Waxa uuna tilmaamay in maalinta sabtiga ay kulmi donaan gudiga joogatada ah maalmaha Axada,Arbacada iyo Khamiista ay yeelan doonaan Xildhibaanada Aqalka Sare.
Hoos Ka Dhageyso Codka Sanoter Maxamed Cismaan Dhaqajuun.