Gudoomiye Muudeey oo shaaciyey xiliga uu furmayo kulanka Baarlamaanka & Ajandaha ugu soo horeeya

Iyada oo u socday wadahadalo la doonayey in xal looga gaaro khilaafkii ka dhashay mooshinkii laga gudbiyey 14 Bishii hore gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa hadana waxaa soo baxaya in la qaban doono kulan cod loogu qaadayo mooshinkaas.

In kastoo aan weli la shaacin in ay burbureen wadahadaladii lagu dhex dhexaadinayey Xildhibaanada oo ay wadeen gudid ay soo Magacaabeen Gudoomiye Jawaari iyo kuxigeenkiisa 1aad Cabduweli Muudeey ayaa hadana gudoomiye ku xigeenka 1aad waxa uu Xildhibaanada ku wargeliyey in Maalinta berito ah la qaban doono kulanka Baarlamaanka,isla markaana cod loo qaadi doono mooshinka ka yaalla gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Farriin qoraaleed oo uu u diray Xildhibaanada ayaa u qornaa sidatan.

Lama oga waxa ka dhalankara kulankaas maadaama la ogaa in kulankii Arbacada uu ahaa mid Shaqaaqo dhacday aawgeed uu u furmi waayay,waxana sidoo kale weli socda dadaaladii lagu xalinaayo khilaafka jira.

Kulamadii ugu dambeeyey ee socda ayaa la sheegay in xildhibaanada labada dhinac asyan ku qanacsaneyn qaabkii ay wax u socdeen balse waxaa durba soo baxay farriimo xildhibaanada uga yimid dhanka gudoomiye kuxigeenka 1aad oo ahaa in kulanka Baarlaamanka la qaban doono maalinta berito ah lana horgeyn doono mooshinka Jawaari.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media