Dhageyso:-Khilaafkii Arrimaha Xajka oo xal laga gaarey & Shirkadaha ka qeyb qaadanaya oo la shaaciyey

Wasaaradda Diinta Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya iyo Shirkadaha Diyaaradaha ee ka qeyb galaya Arrimaah Xajka ee Sanadkaan ayaa waxa ay hehsiis ka gaareen khilaafkii ka dhashay arrimaha Xajka.

Kusimaha Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda oo ku sugan dalka Sacuudiga iyo Madaxda Shirkadaha duulimaadyada ay go’aan ka gaareen khilaafkas,isla markaana Shan shirkadood ay Sanadkaan Duulimaadyada ka qeyb qaadan doonaan.

Farxaan Sheekh Maxamuud Sarkaalka Safaaradda Soomaaliya ee loo xil-saaray Arimaha Xajka oo Wareysi siiyey Caawa Radio Dalsan ayaa waxa uu sheegay in Shanta Shirkadood ay duulimaad labo ka mid ahs ida Jubba iyo Daalo ay sitoos ah Muqdisho uga qaadi doonaan  halka Saddex kale oo kusoo korortay ay geyn doonaan xujeyda Nairobi iyo Jabuuti,isla markaana ay wakiisheen in halkaasi ay ka sii qaado Diyaarada ya leeyihiin Shirkado Caalami ah.

Waxa uu sheegay in tirada Guud ee Visaha Sanadkaan Xujeyda Soomaaliya ka imaaneysa ay tahay  9300 ,waxa uuna rajo wanaagsan ka muujiyey in waqtigii loogu talo galay Xujeyda ay waajibadkooda gudan doonaan,isla amarkaana Wasaaradda ay soo afjartay shuruudihii looga baahnaa Xajka Soomaalida.

Si kastaba murankii ka dhashay arrimaha Xajka ayaa sababay in ay xilalkii  ku waayaan Wasiirkii Awqaafta iyo Arrimaha Diinta iyo Maareeyihii Duulista Hawada.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga oo dhameystiran.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor