Dhageyso:-Howlihii Shaqo ee Maamulka Hir-Shabeelle oo istaagay(Warbixin)

Maamulka Hir-Shabeelle ayaa haatan Caasimadda Hir-Shabeelle ee Magalada Jowhar  waxa uu ka joojiyey Shaqooyinkii uu ka hayay sababo la xaririira fatahaada Wabiga Shabeelle uu ka sameeyey Magalada Baladweyne.

Kulamadii Baarlamaanka Hir-Shabeelle ayaa lasoo gaba gabeeyey si horay loogu sii wado howlaha loogu gurmanayo dadkii ka barakacay fahaada Wabiga Shabeelle ee Baladweyne,isla markaana ay duruufi ku heysato duleedka Magaladaas.

Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xsueen Guudlaawe ayaa sheegay in masuuliyiinta Maamulka Hir-Shabeelle ee haatan ku Shaqeeya Jowhar ay isla Khamiista Maanta ah ay aadaan Magalada Baladweyne si looga qeyb qaato sidii gurmad loo gaarsiinlahaa dadka uu saameeyey fatahaada Wabiga Shabeelle.

Sidoo kale Cali Guudlaawe ayaa dowladda Soomaaliya Hay’addaha gargaarka iyo Ganacsatada Soomaaliyeed waxa uu ugu baaqay in howlaha gurmadka ah ay ka qeyb qaataan.

Sikastaba Magalada Baladweyne kaliya maahan deegaannada uu fatahaada ka sameeyey Wabiga,waxana lagu soo waramayaa in deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan tuulooyinka hoostaga Magalada Jowharuu wabiga ka fatahauy,isla markaana dadka ay ka barakacayaan.

Hoos Ka Dhageyso Warbixinta Warkaan oo uu Jowhar ka soo diray Wariyaheena Xasan Cabdullaahi Cabdulle.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media