Saraakiil Booliska Soomaaliya ka tirsan oo Maanta Jabuuti tababar loogu soo xirayo

Dalka Jabuuti ayaa Maanta la filayaa in tababar loogu soo xiro Saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliya kuwaas oo mudo dhowr bilood ah halkaasi tababar ku qaadanayay.

Munaasabadda tababarka loogu soo xirayo ayaa waxaa ka qeybgeli doona Gen Saciid Axmed Kadiye Taliyaha Hoggaanka dambi baarista Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee C.I.D oo wakiil ka ah Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko.

Sidoo kale Saraakiil ka socotay dowladda aan Walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa qeyb ka noqon doonaan munaasabadda tabarka loogu soo xirayo saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliya.

Saraakiishaas oo dhalinyaro u badan ayaa waxa ay qaateen tababar Sarkaalnimo,waxana ay ka mid noqon doonaan Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada Booliska Soomaaliya.

Dowladda Jabuuti ayaa waxa ay ka mid tahay dowladaha taageera Soomaaliya,waxana Gobolka Hiiraan ka jooga Ciidamo farabadan oo ku howlgalla Magaca Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media