Dhageyso:-Howlgalkii xasilinta Amniga oo Muqdisho ka bilaawday

Ciidamada dowladda Somaaliya iyo kuwa Amisom ayaa Maanta siwadajir ah waxa ay howlgal loogu magacdaray xasilinta amniga kaas oo dowladda ay horay ugu dhawaaqday waxa ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmooyinka Shangaani iyo Wadajir ee Gobolkaan Banaadir.

Howlgalka inta uu socday ayaa waxaa lagu soo qabtay Hubka noocyadiisa kala duwan iyo Waliba tuutaha Ciidanka,kuwaas oo Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ay ku soo bandhigeen Xarunta Xisbiga oo u dhow Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium  Muqdisho ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta Somaaliya Maxamed Cusmaan Cumar Yariisoow,ayaa War-Baahinta u faah faahiyay hubka ay Ciidamadu soo qabteen waxa uu yahay iyo baraha rasmiga ah ee laga soo qabtay.

Goobta lagu soo bandhigay hubkaan iyo tuutaha Ciidanka oo ay Gacanta ku soo dhigen ciidaamda dowladda Soamaliya ayaa waxaa ku sugnaa Ra’iisul Wasaaraha Somaaliya Xasan Cali kheyre.

Hoos Ka Dhageyso Codka

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media