Hadalkaan ayaa waxaa sheegay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye,isaga oo sheegay in ay u baahan tahay ku biiristaas Wadooyin dheer in loo maro.
Waxa uu sheegay in heshiiskaas Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ay wado qorsho ah inay horgeyso Golaha Wasiirada iyo Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Waxa hadalkiisa intaasi ku daray in ku biiritaanka Suuqa COMESA ka hor golaha Wasiirada iyo Xildhibaanada labada Aqal ay soo akhrin doonaan heshiiskaas oo loo bedeli doono Af Soomaali si ay qodobada ku jira u ogaadaan hadii ay u baahan yihiin waxka bedel.
Hayeeshe waxa uu sheegay in Golaha Wasiirada iyo xildhibaanada labada Aqal markii ay heshiiskaas ka saaraan hadii ay ku jiraan Cuntooyin Diin ahaan iyo dhaqan ahaan Soomaaliya ka mamnuuc ah,isla markaana ay ansixiyaan Soomaaliya ay sirasmi ah ugu biireyso Suuqa COMESA.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Lusaka ee dalka Zambia dhawaan kaga qeyb galay shir madaxeedka 20-aad ee dalalka ku bahoobay COMESA,halkaas oo Soomaaliya loo ogolaaday inay ku biirto Suuqa Bariga Iyo Koofurta Afrika Ee Loo yaqaanno COMESACOMESA.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha.