DHAGEYSO: Hooyo Ka soo barakacday Abaarta oo Seddex caruur Mataana ah ku Dhashay Muqdisho

Degmada Kaxda ee gobolka banaadir oo maalmihii aanu soo dhaafnay ay soo gaarayeen dad fara badan oo ka soo barakacay abaaarta ka jirta qeybo ka mid ah dalka ayaa xalay degmadaasi Hooyo ka mid ah barakaacaaysha oo u mushay ay dhashay 3- caruur mataana ah, xili ay la daala dhaceyso dhibaato ay kala kulantay Abaarta.

Gudoomiyaha degmada Kaxda ee Muqdisho Maxamed Ismaciil Cabdullaahi oo gacanta ku haya haweeneydaas ayaa ka warbixiyey xaaladeeda caafimaad, oo uu sheegay inay taalo Isbitaalka Al-birri oo hada lagu daaweynayo, waxaana uu tilmaamay inay saqiireen laba ka mid ah caruurta ay dhashay hooyadaasi.

Waxaa uu ku baaqay gudoomiyaha Kaxda in loo gurmado Hooyadaasi  uu sheegay inay u baahantahay kaalmo caafimaad.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media