Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kulan ku yeeshay guddiga dib u eegista Dastuurka labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya iyo guddoonka golaha shacabka iyo Aqalka sare.
Kulanka oo ay si wadajir ah u shir guddoominayeen gudoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa si weyn loogu lafa guray howlaha dib u eegista Dastuurka iyo hallka ay wax marayaan.
Xubnaha guddiga ayaa sheegay in shaqo wanaagsan ay qabteen isla markaana la diyaariyay cutubyo ka mid ah Dastuurka oo u baanahan in dib u habeyn lagu sameeyo si KMG looga saaro Dastuurka.
Halkaan Ka Dhageyso Codka