Gudoomiyaha Maxkamada ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa waxa uu ka hadlay duruufaha heysta xiligaan garsoorka dalka Soomaaliya.
Waxa uu shegay in taasi ay tahay in an weli la helin cadaalad sidaas darteedna loo baahan yahay in Miisaaniyadda dowldda ay wax ka heleen Garsoorayaasha ha ahaadan kuwa Maxkamada sare iyo kuwa Maamul goboleedyda.
Gudoomiyaha ayaa ka dalbaday xukuumada sooamliya in lagu daro garsoorka Miisaaniyda dowlada isagooo tilmaamay in aysan ka gaabin doonin raadinta xuquuqdoooda waxa uu intaas raaciyay in rajo wanaagsan ka qabaan in dib loo sixi doono.
Hadalkaan ayaa waxa uu gudoomiyaha ka sheegay munaasabad tababar Maanta loogu soo xirayey garsoorayaal ka kala socday maamulada Hirshabelle iyo Galmudug kaasi oo ay ka qeyb galeen xubno ka socday dowlada Soomaaliya.
Hoos Ka Dhageyso Codka gudoomiyaha Maxkamada Sare .