Dhageyso:-Guddoomiye Shuute”Askarigii Dab ku Kaftama Dab ayaa lagula Kaftamaa waana la tooganaa”

Guddoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Xasan Cali nuur Shuute ayaa sheegay in marnaba aan la ogolaan doonin in hubka ay ciidamada ku wada kaftamaan.

Waxa uu sheegay in hubka uusan geli Karin in lagu kaftamo ama qof lagu taago,waxaana uu Ciidamada ka dalbaday inay joojiyaan in qof qori ay ku taagaan,isaga oo digniin u diray.

“Qofkii qof qoray kula kaftama eek u dila,isagana waa lagula kaftamayaa oo waa lagu dilayaa,ciidamada yaysan qoriga ku kaftamin,waayo qoriga kaftan magalo  ayuu yiri Guddoomiye Shuute.

Hadalkaan ayaa Guddoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Xasan Cali nuur Shuute waxa uu u sheegay Cidamo ku sugan deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose xilli uu booqday.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor