DEG DEG:-Dil Goordhow ka dhacay Magalada Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa Goordhow Isgoyska Bakaaraha ee Magalada Muqdisho waxa ay ku dileen laba Nin oo la sheegay inay ahaayeen Shaqaale Shirkadeed.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen  in Rag bustoolado ku hubeysnaa ay labada nin toogasho ku dileen kadibna ay baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay,waxaana socda howlgallo ay ciidamadu wadaan.

Waxaa hakad ku jira Dhaq dhaqaaqa Ganacsi ee Goobihii ka agdhawaa Isgoyska Bakaaraha,waxaana weli la ogeyn cida ka dambeysay dilkaas.

Maalin kahor ayay aheyd markii Isgoyska Bakaaraha lagu dilay Nin ku labisnaa Dareeska ciidamada Dowladda kaas oo la sheegay in uu ka tirsanaa Ciidamada Guutada 14-ka Octoober.

Wararka kusoo kordha kala socda Radiodalsan.com.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor