Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cismaan oo weli ku sugan dalka turkiga ayaa waxa uu ka hadlay xaalada Siyaasadeed ee deegaanada Koonfur Galbeed iyo doorashada la filayo inay dhawaan ka dhacdo.
Guddoomiyaha ayaa,isaga oo ka hadlayay Ciidamadii shalay Baydhabo la geeyay ayaa waxa uu sheegay in Magalada Baydhabo ay joogaan Ciidamo sugi kara amniga,isla markaana xilligaan aysan ku habooneen in Ciidamo la geeyo.
Isaga oo la hadlayay Idaacada Voa-da waxacuu sheegay in Ciidamada horay ugu sugnaa Baydhabo ay yihiin kuwo ku fulin amniga doorashada,hayeeshee Ciidamadii shalay la geeyay cida amartay ay la xisaabtami doonaan.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cismaan ayaa soo hadal qaaday musharaxnimada Muqtaar Roobow,waxana uu sheegay in uu tartanka doorashada ka qeybgeli karo,isla markaana uu yahay muwaadin Reer Koonfur Galbeed ah.
Waxa uu sheegay in Muqtaar Roobow in markii hore ay soo dhaweysay Dowladda Soomaaliya,isla markaana mudo Sanad ka badan uu ku sugnaa Magalada Muqdisho,hayeeshee isagu uu garan la’yahay in dowladdu ay u jeedo kale leedahay.
Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.