Guddoomiyaha Golaha Shacbaka Maxamed Mursal ayaa marka hore ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay dagaalkii ka dhacay Magalada Baydhabo,waxana uu Shacabka Baydhabo ka dalbaday inay isdejiyaan.
Isaga oo ka hadlayay xariga dowladda Soomaaliya ee Muqtaar Roobow ayuu sheegay in wixii Maanta ka dhacay Magalada Baydhabo iyo cidii mas’uuliyadaas laheyd ay kula xisaamtami doonaan.
Waan kula xisabtameynaa cidii laheyd qaladkii ka dhacay Baydhabo,laakin waxaan ku baaqayaa in xaalada Magalada Baydhabo la dejiyo oo dagaal kale uusan ka dhicin ayuu ku yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka wareysi uu siiyay Idaacadda Voa-da.
Odayaasha Dhaqanka Magalada Baydhabo iyo Bulshada ayuu sidoo kale ka dalbaday in xal laga gaaro dagaalkaas,hayeeshee kuma uusan dheeraan guddoomiyaha xariga Muqtaar Robow.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in sababta loo xiray Muqtaar Roobow ay tahay in weli Baydha wado howlihii xagjirnimada,isla markaana Magalada uu soo geliyay Hub iyo dagaalyahano khalqalgeliyay Amniga Magalada Baydhabo.
Dhageyso Codka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.