Kadib xarigii Maanta Ciidamada Itoobiya ay u geysteen Wadaadka Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo mar ka mid ahaan jiray Al-Shabaab ayaa waxaa xarigaas kasoo horjeestay Xildhibaano ka tirsan kuwa Golaha Shacbaka.
War-Saxaafadeed ay Galabta soo saareen Xildhibaano la Magac baxay badbaado Qaran oo u badan Xildhibaanadii mooshinka ka gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
War-Saxaafadeedka ayaa waxa ay ku sheegeen in ay cambaareynayaan Xariga Maanta loo geystay Muqtaar Roobow iyo rabshadihii Maanta ka dhacay Magalada Baydhabo,iyo in falkaasi loo adeegsaday Ciidamada Itoobiya.
Sidoo kale waxa ay sheegeen inay dacwad ka gudbinayaan Wakiilka Midowga Afrika ee Arrimaha Soomaaliya Danjire Francisco Madeira,waxayna ka dalbadeen Madaxda dalalka ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya inay doorka Siyaasadeysan ee taliyeyaashooda.
Hoos ka Akhriso War-Saxaafadeedka Xildhibaanada.