Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa waxaa uu xeer Nidaamiyayaasha Golaha shacabka amray inay Guddiga Ansaxa ku wareejiyaan liisaska Xildhibaanada fasax la’aanta uga maqan kulamada Golaha Shacabka.
Guddoomiye Mursal oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay Xildhibaanada ka maqan kulamada Golaha arrintooda ay u baahan tahay in Ficil laga qabto,kadib markii kulankii Maanta ay yeelan lahaayeen Xildhibaanada Golaha Shacabka uu u baaqday Kooram la’aan.
Guddoomiye Mursal”Arintu waxay u baahantahay Ficil ee Xaadirin uma baahna Nidaamiyayaasha waxaan faraynaa inay Guddiga Ansaxa ku wareejiyaan liisaska Xildhibaanada ka maqan Kulamada golaha”ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Ugu dambeyntii Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xusay in 123 Xildhibaan ay soo xaadirtay Xarunta Golaha Shacabka Maanta,isla markaana uu sidaasi ku furmi waaye kulankii Ajendihiisu ahaa U codeynta H/Sharciyeedka Dhismaha Guddiga ladagaalanka Musuq – maasuqa.
Hoos ka Akhriso Codka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.