Kadib markii Gelinkii dambe ee Maanta xildhibaano ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug ay mooshin kalsooni kala noqosho ah ka gudbiyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa isla Maanta ka jawaabay guddoomiyaha.
Cali Gacal Casir oo shir Jaraa’id ku qabtay Magalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in mooshinkaas aanan waxba ka jirin,isla markaana Xildhibaanada gudbiyey ay yihiin kuwo aan sharci ku dhisneyn.
Waxa uu sheegay in xildhibaanada Galmudug ay gaarayaan 89 xildhibaan balse kuwa maanta shiray ay yihiin kuwo aan sisharci ah lagu soo xulin,isla markaana aan loo dhaarin Xildhibaaninimo.
Waxa uu sheegay in waxa ka socda Magalada dhuusamareeb ay yihiin duufaano lagu doonayo in lagu tunto Dastuurka Galmudug oo uu sheegay in horay ugu tuntay Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.