Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in Garsoorka dalka hadda ka jira uu yahay mid ku Shaqeeya kii horey loo adeegsan jiray,isla markaana isbedel lagu sameynayo.
Waxa uu sheegay in dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada dalka ka jira mid walba uu ku Shaqeeya Garsoor uu isaga sameysatay laakin dowladda Soomaaliya ay rajo weyn ka qabto in ay la timaado isbedel dhinaca Garsoorka dalka ah.
Ugu dambeyn waxa uu sheegay in haatan la wado qorsho ah hanaan nooceen ah oo garsoor ayaa dowladda federaalka Soomaaliya qadaneysaa in doodeeda ay socoto uuna rajeynayo in dhawaan lagu dhaqaaqi doono.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay in isbedel iyo tayeyn lagu sameyn doono Garsoorka dalka si dib loo soo celiyo kalsoonidii Shacabku ku qabeen maadaama ay weli jirto dhaliil ay ka muujinayaan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka.