Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ibraahim Xaliimo Yareey ayaa Maanta ka hadashay Arrimaha doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan dhamaadka sanadkan 2020/2021.
Guddoomiye Xaliimo Yareey oo Shir Jaraa’id warbaahinta ugu qabatay Muqdisho ayaa sheegtay in Guddiga uu soo dhaweynayo ansixinta Shirciga Doorashooyinka Qaranka oo ay ansixiyeen labada Golle ee Baarlamaanka Soomaaliya uuna saxiixay Madaxweyne Farmaajo, iyadoona arrintaas ku tilmaamtay tallaabo taariikhi ah.
Waxaa ay sheegtay Xaliimo Yareey inay soo dhaweynayaan Magaacbista Guddiga diyaarinta xeerar dhameystiraya Sharciga doorashooyinka, kuwaasi oo ka shaqeyn doona soo saarista xeerarka lagama maarmaanka u ah Sharciga Doorashooyinka.
Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa ka Codsatay Golayaasha sharci dajinta ee dalka inay dadajiyaan meel marinta sharciga xisbiyada siyaasadda.
Hoos ka dhageyso Codka Guddoomiye Xaliimo Yarey.