Xildhibaan Caseyr oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Galmudug ayaa ka hadlay abaaraha maamulkaas, gaar ahaan degaanka Bacaad-weyn oo uus sheegay in dhibaaatoyin dhinaca nolosha ay ka jirto, islamarkaana dad badan ay qarka u saaranyihiin inay u dhintaa gaajo iyo haraad.
Xildhibaanka ayaa tilmaamay in wax gurmad ah dadkaasi eysan, islamarkaana la masuq maasuqay gargaarkii logu talagalay dadkaasi, oo ay saameen xoogan ku yeelatay abaarta ka jirta deegaanada Galmudug, waxaana uu eedeen u jeediyey guddiga abaaraha ee maamulkaas oo uu sheegay inay lunsadeen gargaarkii la siin lahaa dadkaasi.
Halkaan hoose ka dhegeyso Codka.