Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegay in deegaannada ka maqan Gacanta Maamulka dhawaan la xureyn doono si markaasi looga fuliyo mashaariic horumarineed.
Waxa uu sheegay in haatan mashaariicda ugu soo horeysa laga fulin doono degmooyinka Guriceel, Dhuusamareeb, Gaalkacyo, Hobyo iyo deegaanada ku jira Gacanta Maamulka Hir-Shabeelle.
Waxa hadalkiisa uu intaasi ku daray in xiligaan aysan jirin cid Maamulka Galmudug uu isku haleynayo sidaas daraadeedna uu isku tashanayo si uu u xurreeyo deegaanada ka maqan Gacanta Maamulka Hir-Shabeelle oo ay maamulaan dagaalyahanada Al-Shabaab.
Madaxweyne Xaaf mashaacin waqtiga rasmiga ah ee uu bilaaban doono howlgalkaas,waxaana haatan uu ku sugan yahay Magaalada Dhuusamareb ee uu shalay u tegay isku-dhafka ciidamada Galmudug iyo Ahlusunna oo dhawaan midoobay.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa dhawaan tegay deegaannada Galmudug,waxa uu ka dhagax dhigay Xarumo laga fulin doono mashaariic horumarineed,iyada oo Madaxweyne Xaaf uu sheegay in la fulin doono mashaariicdaas.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Xaaf.