Wararka naga soo gaaraya degmada Balan-bal oo katirsan gobolka Gal-gaduud ayaa ku waramaya in halkaasi ay ka jirto xaalad Nololeed oo heysata dadka deegaanka oo ay Saameen ku yeelatay Abaarta ka jirta qeyb kamid ah Dalka.
Gudoomiyaha degmada Balan-bal Jaamac Xeyle ayaa Radio Dalsan uga waramay heerka ay la’eg tahay dhibaatada Abaarta ka jirta degmadaas,waxaana uu sheegay in dadku ay ku Noolyihiin xaalad aad udag,islamarkaana duleedka Balan-bale Gabar yar Gaajo iyo Haraad ay ugu geeriyootay.
Waxaa uu gudoomiye Xeyle ku baaqay in dadkaasi loo soo gurmado,islamarkaana qofkastaa uu ku taageero waxa uu bixin karo.
Halkaa hoose ka dhageyso Codka.