Barqanimadii Maanta ayaa waxaa Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ay wadada u galeen Gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya xili uu marayay duleedka degmada Balcad gaar ahaan halka loo yaqaano Haansheekh Ama kiliga Faarax Gololeey.
Shabaab ayaa dadka deegaanka qaarkood waxa ay sheegeen in Gaariga ay ku dhufteen qoriga Baasukaha,taas oo keentay in Gaariga uu halkaasi ku gubto.
Intaasi kadib waxaa bilaawday dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda ee la weeraray iyo qaarkood gurmad u tegay iyo Shabaab oo sameeyay weerarka Gidgalka ah.
Warar ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka ayaa waxa ay ku sheegeen in weerarkaas ay ku dileen Sarkaa ka tirsan ciidamada dowladda gaar ahaan taliyihii Ururka 2,aad ee Guurtada Koowaad Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo lagu Magacaabi jiray Gaashaanle Sare Maxamed Raage in kastoo aysan jirin cid xaqiijisay Warkaas.
Goobjooge aan ka fogeyn Goobta uu dagaalka ka dhacay ayaa Dalsan la hadlay.
Hoos Ka Dhageyso Codka Goobjoogaha.