Warar dheeraad ah ayaa ayaa kasoo baxaya weerar xalay kooxo hubeysan ay ku soo qaadeen fariisin Ciidanka dowlada ku leeyihiin Xaafadda Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir.
Waxaa la sheegay in Ciidamada dowlada iyo kooxda wererarka soo qaaday uu dhaxmaray dagaal socday muddo daqiiqado,isla markaana uu ka dhashay dagaalka khasaaro kala duwan oo labada dhinac ah.
Qof kamid ah dadka deegaanka Xaafadda Suuqa xoolaha oo la hadlay Dalsan ayaa waxa uu sheegay in xalay saqdii dhexe kooxo hubeysan oo aan la garan waxa ay yihiin ay weerar ku soo qaadeen fariisin Ciidanka dowlada ay ku leeyihiin Xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa,wuxuu sidoo kale sheegay in dadka deegaanka ay cabsi soo wajahday kadib markii ay maqleen dhawaqa Rasaas.
Ilaa iyo hada majiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowlada Soomaaliya oo ku aadan weerarkii xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Hoos ka dhageyso Codka.